Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:369
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 05 2008
Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Madaxweyne Yuusuf Eedeeyey
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 05 August 2008

Baydhabo,(insidesomalia.org)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo maalintii shalay ahayd shir jaraa段d ku qabtay Magaalada Baydhabo oo weli fariisin KMG  u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku eedeeyeen in uu ka soo horjeedo oo uu jallaafeynayo dib u heshiisiinta laga dhex wado Dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

 

Wasiirradan oo kala ah Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Maxmed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Muuse Nuur Amiin iyo Wasiirka Beeraha iyo Biyaha Mustaf Dhuxulow ayaa waxay dhammaantood shirka jaraa段d ka sheegeen in madaxweynaha uusan raali ka ahayn dadaallada dib u heshiisiineed ee ay wax ka waddo  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan marna raali ka noqon dib u heshiisiinta ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in tan iyo markii ay Xukuumadda bilowday dadaallada dib u heshiisiineed uu waday tallaabooyin ka dhan ah.

 

Wasiirka Beeraha iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa isna wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay in uu Maamulka Puntland u ogolaaday in uu shidaal soo saarto dhinaca kalena uu ka soo horjeedo nabadda iyo dib u heshiisiinta ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in lagu nabadeynayo deegaannada colaadaha ka jiraan.

 

Ugu dambeyntiina Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin ayaa isna wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Wasiirradii is-casilaadda ku dhawaaqay ee ka tirsanaa Xukuumadda Federaalka ay sheegeen in ay isu casileen sabab la xiriirta xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, wuxuuna sheegay in ay tuhmayaan in uu arrintaas lug ku lahaa Madaxweynaha.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >